5 minute read

Qoraalkan wuxuu hordhac u yahay qoraal taxane ah oo aan kusoo bandhigi doono boggeygan. Waxaan uga hadli doonaa sida loo qori jiray af soomaaliga iyadoo la isticmaalayo farta carabiga, inta aan la rasmiyeyn ku qoridda farta laatiinka. Maqaalkan wuxuu ku tiirsanyahay thesis aan qoray qeybta hore ee sanadka 2019, Wuxuu ku qoranyahay af-iswiidhish. Waxaan qoray mar aan dhiganayay maadada carabiga oo qayb ka ah machadka suugaanta iyo luqadda ee jaamacadda Gothenburg. Thesis-ka waxaa cinwaankuusu af-iswiidhishku ku yahay Somaliska med arabisk skrift: en språkhistorisk studie, af-Ingiriisna ku yahay Somali with Arabic writing: An historical study of a language

Af soomaaliga waxuu far rasmi ah helay 1972, sidoo kalena noqday marka ugu horeysay af rasmi ka ah Jamhuuriydda Soomaaliya. Isku dayo badan ka dib ayaa waxaa la qaatay farta laatiinka. Carabiga wuxuu ka mid ahaa faraha loolanka ugu jiray in lagu qoro afka soomaaliga. Af soomaaliga waxaa looga hadlaa Soomaaliya (Soomaaliland ku jirto), Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa u dheer Carabiga oo af rasmi ka ah. Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya waxay keeneen in dad badan ay u haajiraana Yurub iyo Amerika. Kanada, Mareekanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan iyo wadamo badan ayaa loogaa hadlaa af-Soomaaliga.

Maqaalkan waxaan kusoo bandhigayaa sida af soomaaliga loogu qori jiray farta carabiga. Waxaa jira cod/foniim soomaaliga ku jira oo aan carabiga ku jirin, lahaynna xaraf ku haboon. Codadka shibbanaha waxay kala yihiin /g/ tusaale gabar iyo /dh/ tusaale dhabar. Sidoo kale carabiga malahan shaqalada kala ah, /e/ tusaale eber, /ee/ dheer, /o/ nolol iyo /oo/ doon. Waxaan ku baaray thesis-keyga sida loo qori jiray codadka/dhawaqa ku jira soomaaliga balse carabiga ku jirin.

Taariikh

Qoraalada soomaaliga ee farta carabiga ku qoran waxaa badi qori jiray culumada diinta iyo ganacsatada. Waxayna reebi jireen qoraalo, dokumintiyo, xusuus reeb u ah dhacdooyinka bulshada ka dhex dhaca, tusaale ahaan, xukumo maxkamadeed, heshiisyo kala duwan mid ganacsi ama reero iwm.

Qoraalada soomaaliga ee far carabi ku qoran waxaa xilliyadii dooda farta taagneed loogu yeeri jiray farta wadaadka, wadaad writings. Afaf badan oo aan carabi ahayn ayaa lagu qoraa ama lagu qori jiray farta carabiga. Magacyo dhowr ah ayaa loogu yeeray farta, hadba luqadda lagu qorayo, tusaale, kirabu, marka af Sawaaxili lagu qorayo, wolofal, af-Wolof. Balse waxaa ugu caansan isticmaalka kalmadda cajami. Cajami oo micnaheedu yahay, wax aan carab ama carabi ahayn. Af iyo dad aan carab/i ahayn ayaa loogu yeeraa cajam/i.

Waxaa jiro qoraalo soomaali ah oo ku qoran farta carabiga oo la qoray dabaayaqadii 1800. Badi waxaa laga helaa magaalooyinka xeebaha ku yaalo, gaar ahaan Zaylac, Barbara oo dhaca xeebta gacanka cadmeed. Hobyo, Muqdisho, Marka ayaa tusaale u ah magaalooyin ku yaala xeebta Badwaynta Hindiya, oo qoraalo soomaali ah oo far carbeedka ku qoran laga helo.

Af carabiga xiriir qoto dheer ah ayuu la leeyahay Soomaalida, waxaana sababay xiriirka dheer ee ka dhaxeeya Carabta iyo Soomaalida, gaar ahaan kuwa degan maagoolooyinka xeebta leh. Sidoo kale faafitaanka Islaamka ku faafay Afrikada Bari oo soo bilowday horaanta islaamka, markii muslimiinta yimaadeen dhulka xabashida, oo loo yaqaano hijrada xabashida. Taasoo ka dhigeyso in soomaalidu uu xiriir iyo kalgacayl hoose kala dhaxayeeyo afka Carabiga.

Abwaanno iyo suugaanleyda ayaa suugaantooda iyo halabuurkooda soomaaliga ku qoray far carbeedka. Halgamaaga wayn ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa ka mid ah. Sheekh Jaamac Cumar Ciise wuxuu qorayay buug magaciisu yahay Diiwaanka gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Ururintii koowaad. Uruurinta gabayga wuxuu bilaabayay 1954 oo ahayd 18 sano ka hor inta aan Af-Soomaaliga far rasmi ah helin. Sheekh Jaamac wuxuu ku qoray gabayada farta carabiga. Markii farta laatiinka la qaatay bilowgii 1972-dii, ayaa isagoo kaashanaya Axmed Faarax Idaajaa kasoo minguuriyeen farta carabiga oo ku qoray farta cusub ee la qaatay.

Af Soomaaliga iyo af Carabiga

Soomaaliga iyo Carabiga waxay kawada tirsanyihiin afafka bahda Afro aasiyatiga. Carabigu waa luqadda ugu wayn afafka bahdan, halka soomaaligu uu ku jiro booska shanaad. Carabigu wuxuu lahaa taageero badan marka dooda farta ay taagneed 1950kii iyo 1960kii. Sidaas ay tahay wuxuu nidaamka militariga af soomaaligu u dooray farta laatiinka bilowga 1970-kii.

Alfabeetada soomaaliga ee ku qoran farta laatiinka waxay ka koobantahay 22 shibbane iyo 10 shaqal, shan shaqal gaaban iyo shan dheer. Af Soomaaligu wuxuu leeyahay labo shibbane /g/ iyo /dh/ iyo 4 shaqall, /e/, /ee/, /o/ iyo /oo/ oo uusan carabigu lahayn.

Waxaa jiro cod/dhawaqyo dheeraad ah oo ay leeyihiin shibbane iyo shaqal walbo. Xarafka b codad kala duwan ayuu leeyahay hadba xarafka halka uu kaga jiro ereyga. Marka uu u dhexeeyo labo shaqal waa [β] oo u cod dhow /p/ af ingiriiska. Tusaale ahaan, [baaβuur], mararka qaar marka /b/ uu ereyga ku dhamaanayo wuxuu noqdaa /p/, tusaale [sap]. Sidaas oo kale waxaa ah /g/ iyo /d/. Marka /g/ iyo /d/ ay u dhaxeeyaan shaqallo, waxay noqdaan غ iyo ذ, tusaale magac, badar.

Qoraal soomaali ah oo far carabeed ku qoran

Waxaan baarayaa afar qof qoraalo ay qoreen. Waxaan u kuur galayaa qaabka ay qoreen codadka/foniim-ka soomaaliga ku jiro balse aan carabiga laga heleen. Qoraaladu waa lix xabo oo ay qoreen afar qoraa.

Qoraaga koowaaad waa Sheekh Uways al-Barawi oo qoray saddex gabay, mid waxaa laga helayaa Moreno (1955: 364–367), labada kalena Cerulli (1964:128–129).

sheekh Uways

Qoraaga ku xiga waa J. S. King oo qoray maqaalo taxane ah oo ku soo baxay jariidadda Indian Antiquary, A journal of oriental research. Maqaaladan waxaa loogu tala galay saraakiisha gumeystaha ee danaynaya barashada Af-Soomaaliga.

Kings

Qoraalka kale waa buug lagu magacaabo انشاء المكاتبات العربية في اللغة الصومالية ,1932 oo uu qoray Maxamed Cabdi Makaahiil. Buuga hordhaciisu wuxuu ku qoranyahay af carabi lagu sharxayo ujeedka buugga. Waxaa ku qoran shan fariin oo ay isu weydaarsanayaan dad kala deggan Cadan iyo Berbera, sidoo kale waxaa ku qoran diiwaan maahmaahyo ah. Buugga waxaa uu yaalaa Maktabadda jaamacadda Indiana University ee ku taala Maraykanka. Waxaan isagoo dhamaystiran laga heli karaa buugga Far tasawday: Far Soomaalidii u horreysey ee reer Soomaalilayn.

Sheekh Makaahiil

Qoraalka ugu danbeeya wuxuu ku soo baxay maqaal cinwaankiisu yahay Arabic script for somali oo kusoo baxay joornaalka Islamic Quarterly, qoraalka wuxuu ka koobanyahay toban maahmaahood, waxaana qoray Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, si uu ugu tusaaleey farta carabiga ee uu ku taliyay in la qaato. Galaal

lasoco…

Updated: