Waayeel af qalaad caruurta kula hadlaya
Oday aan ku qiyaasay 65-70 jir ayaa subaxnimo 7:30 horteyda socda. Wuxuu jaabka ka raadinayaa mobeylkiisaa, wuu istaagay, geesaha ayuu fiiriya. Markaasuu wuxuu ku dhahay ’I think I’ve forgotten my mobile’, waxaan u malaynayaa inaan mobaylkayga soo iloobay, labo gabdhood oo da’ yar, oo qiyaastii jira 6 – 8 sano. Ilmihii oo codkoodu hooseeyo ayaa waxaan fahmayay iyagana in ay dhankooda waxay maskaxdooda maagta ka hadlayeen. Warka ayay isku dhiidhiibayeen iyagoo ku hadlaya af Ingiriis.
Goobtu waa jid ku yaal xaafadaha koonaha magaalada Yataboori (Göteborg) ee ajnabigu ku badanyihiin. Gabdhaha midda wayn boorsadeeda iyadaa wadata, midda yar waxaa u sida odayga, oo boorsadeedu tahay mid yar oo faraha odayga ka raaraacda.
Jidka yar waa degaandag, anigoo isleh u carar shaqada ayaa dadaal la’aan waxaaba i caawinaya cufisjiidadka dhulka, oo kala saraynta dhulka ayaa waxaan kusii qadaanqaaday jidyaraha. waxaan la simanahay odayga iyo labadii gabdhood. Dhankooda ayaan fiiriya, madaxa ayaan u luxay. Wuxuu u fahmay inaan ’asalamu Calykum’ ku dhahay, maadaama uu ku warceliyay ’Wa calaykumu salaam’.
Waan kasii socday, balse waxaan maqlayey cod farxad ka muuqdo, balse ereyada maanan fahmin. Qiyaasteydu waxay tahay in mobaylkiisu uu helay. Luqaddii ay ku hadlayeen ma aysan isbedelin, guuxa maskaxdayda ku jirayna isma bedelin ee wuu sii batay. Ingiriiska odayga ku hadlayay wuxuu u ekaa mid wayni lagu bartay, ilmaha yarna mid youtube laga bartay. Haddaba afkii hooyo yaa u maqan?
Tareenka ayaan ka degayaa oo goobta shaqada ayaan soo gaaray, howl kale, maalin cusub, isbuuc cusub. Nabadeey!!